Tuesday, May 1, 2012

War Saxaafadeed: Ugaas Ciise oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb

War Saxaafadeed




INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN
  
Waxaan  tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed, Dhamaan Eheladii iyo Reerkii ay  ka geeriyooday  Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed sheak Maxamad oo maanta gacan ka gardaran ay qarax argagixiso ah kula beegsatay  magaalada duusamareeb.   


Ugas ciise ugaas cabdulle,Ugaaska  beesha sade  ayaa  saxaafada  u sheegay in uu si wayn oga  xunyahay  qarax  foosha xun ee argagixisadu Xagjirka ah  kula beegsatay xildhibaano Aqoonyahno kasoo jeeda gobalka galgaduud .

Ugaas ciise  ayaa si toos ahna  u  cambaareeyay qaraxaas foosha xun .  kaas oo ay dhimisho iyo dhaawac ka soo gaareen masuuliyeen qaran , aqoonyahno, cuqaal iyo dad rayad ah . , waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo, inta dhaawaca ahna ha caafiyo,


 Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ayaa dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay xildhiban  xuseen warsame  gafarsay. xiladhibaan general  cabdiraxman isaaq biixi, Axmed C/salaam, Dad  rayada aha iyo mas’uuliyiin kale.


Ugu danbeyntii,  Ugas ciise ugaas cabdulle waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u wada duceeyaan dhamaan dadka ku geeryooday qaraxa  foosha xun ee  ka dhacay  caasumada gobalka galgaduud


-       DHAMMAAD -
Arlington, Virginia, United States 
Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaska bari ee beesha Sade Daarood Gobolka Galgaduud iyo deegaanka puntland
703 401 8292

No comments:

Post a Comment