Wednesday, February 13, 2013

Taariikhdii Halgamaa Maxamed Salaax Deer(Xaaji Ladane)

Halgame, Mudane Maxamed Salaax Deer oo loo yaqaan Halgame Haji Ladane Salaax wuxuu ku dhashay Magaalada Kismaayo, Calanley 1914. Wuxuuna yaraantiisii ku barbaraay gobolada Bari iyo Mudug, halkaas oo quraanka iyo waxbarashada uu ka bilaabay. Mudane Ladane Salah Deer waxaa dhalinyaranimadiisii uu u wareegay dhulka Itoobiya halkaas oo uu waxbarashadiisii ka sii watay. Intuu dhulkaas ku noolaa Halgame Haji Ladane Saalax Deer wuxuu si fiican u fahmay macnaha dawladnimo iyo qaranimo iyo ku noolaanshaha waddan xor ah oon gumaysi ka talin.
Halgame Haji Ladane Saalax wuxuu waddanka ku soo noqday markii dhaqdhaqaaqa gobanimo doonku biloowday. Inkasta oo uusan ku jirin 13kii halgame ee aasaasay ururkii gobanimo doonka ee SYL, Halgame Haji Ladane waxaa asaxabtii SYL ku tirisaa dadkii udub dhexaadka u ahaa guusha ay SYL gaartay. Waxaa xaqiiq ah 90% 13kii mudane ee SYL sameeyey in aysan aqoontooda dhulka Soomalidu dagto dhaafsaneeyn Mugdishu iyo magaalooyinka ku dhow dhow. Si loo helo dhaqaale lagu fuliyo hawlgalada ururka SYL waxaa muqadas ama daruuri noqotay in aaraada ururka lagu fidiyo dhulka Soomaalidu dagto si loo helo taageeraayaal xubin ka noqda ururka iyo dhaqaale lagu fuliyo howlaha ururka. Halgame Haji Ladane maadaama uu ahaa nin dhul yaqaan ah, dad badan oo saaxibo SYL ahna kasban kara waxaa madax looga dhigay gudiga dhaqaale uruninta iyo diiwaan galinta xubanaha SYL ee gobolada koofur ka xiga banaadir ilaa dhulka Soomalidu dagto ee Ethiopia.
1945 ilaa 1960, Halgame Ladane Salaax Deer wuxuu safaro aan kala go’ lahay ku tagi jiray goboladaas oo dhan ood qiyaasi kartaan dhulka fogaantiisa, iyo gaadiid xumada waqtigaas jirtay. Waqtiyada uu sida gaarka ah u xuso marka la weeydiiyo hawshii uu qaranka Soomaliyeed u soo qabtay waxaa ka mid ah soo ururintii lacagtii lagu dhoofiyey ergadii uu hogaaminayey Halgame Cabdulahi Ciise oo ahaa saxiibkiisa qaaliga ahaa.
Haji Abdullahi Cise Mohamed oo fadhiya, Haji Mohamed Ahmed Ottavio iyo Haji Mohamed Salaax Ladane (11, 08. 1952, Mogadishu).
Halgame Haji Ladane wuxuu yiraahdaa- Gumeysigii Talyaanigu si xoog leh buu uga soo horjeeday bixitaanka Halgame Cabdulaahi Ciise oo ay SYL u diyaarinaysay in uu ka qaybgalo shirkii Ururada Qaramada Midoobay ee lagu go’aaminayey ayaaha Soomaaliya. Haji Ladane wuxuu yiri SYL lacag meel u taalay oo ay ku ambabixiyaan ergadii uu hogaaminayey Mudane Cabdullahi Ciise ma jirin, wax lacag haystana nalakuma arkin, niyad uun baan haynay”. Waxay noqotay in aan baxo oo lacagtii ka soo aruuuriyo gobolada oo dhan. Markaan soo noqday Halgame, Cabdirishiid Cali Sharmake oon saxiib ahayn, ogaana safarka dheer ee aan ka mid, baa ku farxay in Ilaah i soo nabad caliyey oon lacagtii ergada lagu dhoofin lahaana aan ka soo gaarsiiyey. Intuu si kalgacal leh iigu soo booday oo foolka iga dhunkaday buu wuxuu yiri Ladanow maanta lacagtaan la’aanteen Cabdulaahi iyo ergadiisu ma baxeen, hawsha SYL iyo xoraynta wadankaan aad u soo qabatay Ilaah ha kaa baal mariyo.Waxaan ku iri Cabdirishiid kuligeen Ilaah wadankeena oo xor ah Rabbi ha nawada tuso. Ilaahna waa naga aqbalay.”
Xoriyaddii Ka dib, Halgame, Ladane Saalax Deer wuxuu ka mid ahaa xubnihii barlaamnkii 1969, wuxuuna xisbigoodu oo lagu magacaabi jirey “Xisbiga Libaaxa” ka soo galay magaalada Buulo barde. Wuxuu siyaasadda ka fariistay markii ay xukunka la wareegeen Dawladdii uu hogaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
1970 Halgame Haji Ladane wuxuu u wareegay dhinaca beecmushstarka, oo uu guulo badan ka gaarey, sida shirkaddii Ladane-Magan Company Ltd oo keeni jirtey daawadda waddanka laga isticmaalo. Sidoo kale wuxuu aasaasey shirkaddii “Afro Arab International Group” oo iyaduna ahayd import-export company.
1991dii ayaa Halgame Haji Ladane Saalax iyo qaar ka mid ah reerkiisu u qaxeen Qahira kuna noolaa muddo toban sanno ah, ka dibna dalka Maraykanka oo uu degenaa todoba sanno.
2007, ayaa Marxuum Cabdulahi Yusuf Ahmed Madaxweynihii hore ee Dawladda Ku Meel Gaarka ahi ku Casumay Halgame Haji Ladane Saalax in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka shirkii dib u hshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdishu July 15, 2007 uuna la hogaamiyo Mudane Cali Mahdi Maxamed. Shirkaas waxaa ka so baxay qodobo saldhig u noqday furdaaminta qaranimaddii cakireeyd ee siyaasada Soomaliya.
Halgame Haji Ladane Salaax Deer waxaa uu ahaa gabyaa qarsoon, mar walbana tixo gabey ah ama afarey ah ka tiriya wacyiga soo marey. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa markuu ka soo wareegay waddanka Mareykanka, soona degay Bosaaso iyo Carmo ka hor, wuxuu tiriyey tix afarey ah oo uu ugu magacdarey “ DALTABYO”, isagoo caddeynaya inuu wax walba ku haysto Mareykan, kuna jisaari Karin, haddana aan ku qanacsaneyn sii joogidda Mareykanka, ayuu yiri:Damiirkaygu waa diiddan yahay dibad ku noolow eh Dawo iyo daryeel waa helaa daacadda ilaahe Danbi weeye inaan dayrsadaa dayrta maanta ahe
Dal-tabyaa I haysoo wax kale ima daweeyaane
Eebbow Dalkaygii I gee, kaa duraansadaye Oo igu daryeel daa’imow deeqe waa adiye
Eebbow dul iyo hoos anoo aad iga daweysay Oo duubyada caafimaad igu dalaqsiisay,
Eebbow dalkaygii I gee kaa duraansadaye. Ilaahay subxaana wa tacaalaa ducaddiisii waa u qaadey.Haaji Ladane wuxuu ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay nabadda ehel u noqdaan, waddanka kala dagaalamaan Jaadka oo sal u ah ciribtirka dhaqanka iyo dhaqaalaha, iyo baabi’inta jiilka soo koraya.
Haji Mohamed Saalax Ladane waxaa uu lahaa xaas qaali ah Maryan Dhore Gulled Cad Cad, wuxuuna ifka kaga tage saddex wiil, todoba gabdhood iyo labaatan iyo laba ay sii dhaleen oo uu awoowe u yahay.
Waxaanu rabi uga baryeynaa inuu qabrigiis u waasaciyo, janadii fardowsana ugu bishaareeyo. Samir iyo iimaana rabi naga wada siiyo dhammaanteen.
Warbixintan waxaa diyaarshey, Ambassador Ebyan Ladane, Waxaa isku dabaridey Sakariye Isticmaar.

No comments:

Post a Comment