Thursday, February 14, 2013

TACSI (FOR IMMEDIATE RELEASE)

 

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA

SOMALI FEDERAL REPUBLIC Ministry of Foreign Affairs And international cooperation

TACSI : (FOR IMMEDIATE RELEASE)

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga,Wasiiru dowlaha Wasaaradda,Wasiir kuxigeenada Wasaaradda, Xoghayaha joogtada,Guddiga dib u habeynta Wasaaradda,Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda ,dhammaan diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Danjire Ms. Ebyan Maxamed Saalax oo aabaheed Marxuum Maxamed Saalax Deer (Ladane) ku geeriyooday Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari Arbaco 13-ka bishan February .
Marxuum Maxamed Saalax (Ladane), waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SYL , waxaana muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Magaalada Boosaaso .
Haddaba , annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geeridii ku timid Marxuum Maxamed Saalax (Ladane) ayaa waxa aan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,Aamiin .
INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
 
 

No comments:

Post a Comment