سَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم
Press release: Gudoomiya Isbadaldoonka shacabka soomaaliyeed
Ku: Dhamaan Xubnaha Xildhibaanada ah ee isku bahaystay qabyalaada si ay sadbursi awoodeed u helaan =Muqdisho=
Ujeeddo:- Digniin kama danbeys ah.
Anigoo ku hadlaaya magaca dhamaan Isimada ama Salaadiinta caafimaadka qaba ee Beelaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba, magaca Shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah iyo magacayga waxaan uga digaayaa inay kusii adkaystaan ama kusii dhiiradaan falkooda daneystanimo ee meelka dhaca ku ah Xildhibaanada kale ee sharafta leh dhamaan Xildhibaanada isu bahaystey qabyaalada si ay sadbursi awoodeed uga helaan Xukuumadeena curdanka ah ee baryahan ku mashquulsanaa in ay is hortaagaan ansixinta Golaha Wasiirada la magacaabey dhawaan.
Waxaan leeyahay Xildhibaanoow Allaah ka cabsada cabsida uu mudan yahay kana waantooba qabyaalada iyo isbahaysiga xaqdara ku dhisan ee kasoo horjeeda Maslaxada Guud ee Dalka, Dadka iyo Diinta Soomaaliyeed isla mar ahaantaasna ceebta ku ah magaciina iyo diintiina maadaama aad Allaah hortiisa Kitaab ku dhaarateen inaad daacad ugu adeegaysaan Maslaxada Dalka, Dadka iyo Diinta Soomaaliyeed.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "meeshaad nin ka qaadatid nin ayaa uga tagtey" ee ogaada hadaad qabiilkiina la safataan inaad Qaranimadii qabyaalad ka doorateen, taariikhdaana xusi doonta Xildhibaan walbaa sidii u dhaqmay mudaduu xilka hayey.
Wa billaahi towfiiq.
Email: shaaciye1@live.se
Tel: +46767131933
Stockholm Swede
No comments:
Post a Comment