Wednesday, September 29, 2010

Some Harsh Words for al Qaeda-linked al Shabaab militant from caretaker prime minister Abdi Wahid Goonjeeh : C/Waaxid Goonjeex “Horta Al-Shabaab yay yihiin, yaa hogaamiya, xagee loogu hagaagaa…”

shabaab leadar on the left
Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Md. C/Waaxid Cilmi Goonjeex ayaa sheegay in natiijada kulamada New York iyo Madrid ay yihiin kuwo faaiido u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Beesha Caalamkana ay muujisay taageerada ay u hayso Dowladda KMG ah.
“Damaca Ra’iisul wasaaraha cusub ee la filayo waa igu jiraa, balse ma ogi xilkaasi cid loo magacaabi doono” ayuu yiri Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
C/Waaxid Cilmi Goonjeex waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub looga fadhiyo soo celida Ammaanka iyo tayanta ciidamada oo hela Tashiilaadkooda oo dhan, islamarkaana uu noqdaa mid wadaniyad leh oo abuura ilo dhaqaalo oo caalami ah, buuxin karana baahidaasi.
“Horta Al-Shabaab yay yihiin, yaa hogaamiya, xagee loogu hagaagaa, heshiis ma ogol yihiin, taasi waa maya, waa dad aaminsan hadaf aan muuqan oo ay ku jiraan Ajaanib, oo aan lahayn xuduud, una haystaana in Dhulka Ilaah abuuray oo aan la kala lahayn, sitana calan gooni ah, ayna wataan rag ay amiiro u yaqaaniin, islamarkaana Ajnabi u dooran kara inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya” ayuu yiri  Md. Goonjeex oo sheegay in ficilka Al-shabaab  in xoog lagu maquuniyo maahee aysan jirin heshiis iyo wadahadal ay ogol yihiin.
Md. Goonjeex oo u waramaayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee la dhisi doono ay dejin doonto qorshaha isbadal ee xiliga dhow, taasoo sida la rajaynaayo ku talaabsan doonta waxqabad muuqda.

caretaker prime minister actually has more power than the president given the current circumstance of somalia.because he heils from marehan clan The only  clan in south  waging war  fight against Somali Jehadest on  two Different Front. Jubaland State of Somalia and Somali Central State aka suffi . A Sufi militia defending parts of Somalia's central regions from al-Qaida-linked ...Dhusamareb,  Abudwaq,dhabad ,Galinsoor and Balanbal in the Galgadud region. he is from town of  Abudwaq

No comments:

Post a Comment