“Damaca Ra’iisul wasaaraha cusub ee la filayo waa igu jiraa, balse ma ogi xilkaasi cid loo magacaabi doono” ayuu yiri Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
C/Waaxid Cilmi Goonjeex waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub looga fadhiyo soo celida Ammaanka iyo tayanta ciidamada oo hela Tashiilaadkooda oo dhan, islamarkaana uu noqdaa mid wadaniyad leh oo abuura ilo dhaqaalo oo caalami ah, buuxin karana baahidaasi.
“Horta Al-Shabaab yay yihiin, yaa hogaamiya, xagee loogu hagaagaa, heshiis ma ogol yihiin, taasi waa maya, waa dad aaminsan hadaf aan muuqan oo ay ku jiraan Ajaanib, oo aan lahayn xuduud, una haystaana in Dhulka Ilaah abuuray oo aan la kala lahayn, sitana calan gooni ah, ayna wataan rag ay amiiro u yaqaaniin, islamarkaana Ajnabi u dooran kara inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya” ayuu yiri Md. Goonjeex oo sheegay in ficilka Al-shabaab in xoog lagu maquuniyo maahee aysan jirin heshiis iyo wadahadal ay ogol yihiin.
Md. Goonjeex oo u waramaayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee la dhisi doono ay dejin doonto qorshaha isbadal ee xiliga dhow, taasoo sida la rajaynaayo ku talaabsan doonta waxqabad muuqda.
No comments:
Post a Comment