Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Kenya iyo Kenya oo Safaaradeeda ka furaneysa Muqdisho
Nairobi, 28 May 2012: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta la kulmay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgaladda ka socda dalka gudihiisa oo ay ciidamada Kenya qeyb ka yihiin, heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Istanbul lagu wado inuu ka dhaco 31ka May 2012. Safiirka Soomaaliya Mohamed Ali Ameriko iyo Ilyas Barre Shiil ayaa ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa kulankan.
Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa marka hore
soo dhoweeyey Ra'iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali kuna
ammaanay dadaalada socda iyo horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay
sameysey 11kii bilood ee la soo dhaafay. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
ayaa uga mahadceliyey dhigiisa soo dhoweynta quruxda badan, isla
markaana warbixin dheer ka siiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda
leh ee laga sameeyey dalka iyo sida ay Soomaalidu uga go'antahay soo
afjaridda xilliga KMG ah oo uu sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis
Ababa heshiis taariikhi ah ku soo gaareen oo ay la socoto jadwal
mucayan ah oo taariikheysan.
Labada Ra'iisul Wasaare waxey si qoto dheer uga wada
hadleen sidii mudada yar ee ka dhimay 20ka August si fiican looga
faa'iideysan lahaa, waxey kaloo ka wada hadleen shirka Istanbul 2 oo ay
labada Ra'iisul Wasaare isla meel dhigeen qorshaha shirka Istanbul iyo
sidii ay labada RW uga wada shaqeyn lahaayeen soo afjaridda Xilliga KMG
ah.
Ra'iisul Wasaaraha Kenya ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Safaarad ka furaneyso Muqdisho si ay wallaalahood Soomaaliya u tusaan kalsooni buuxda iyo sidii wada shaqeynta labada dal ay u noqon lahaayeen kuwo dhameystiran.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Nairobi ayaa
kulamo kala duwan la yeelanayey diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu
kulamo gooni gooni ah la qaatay Safiirada Mareykanka, China iyo Ergeyga
Gaarka ah ee QM Ambassador Mahiga.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah
uu u ambabaxayo Turkiga oo uu kulan gaar ah la leeyahay dhigiisa
Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Erdogan maalinta 30ka May, kulankan oo ka
dhacaya magaalada Ankara, ka dibna uu RW ka qeybgali doono kulanka
Istanbul.
Terror Free Somalia
No comments:
Post a Comment