Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada
Rayidka oo maalintii labaad si habsami leh uga soconaya Istanbul iyo 4 kooxood
oo loo qeybiyay
Istanbul,
May 29, 2012---- Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah
ayaa maanta maalintii labaad si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee
dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala
matalaya qeybaha Bulshada Rayidka, Qurbejoogta, Odayaasha dhaqanka,
Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed.
Shirkan
oo furmay 27-kii bishan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dalka iyo dowladda oo
wajaheysa marxalad kala guur ah waxaana odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku
ay si guud maalintii hore uga shireen xaaladda dalka iyo marxalada kala guurka
ah, iyaga oo maantana saacadihii hore isugu yimid shir guud abaara duhuradiina
loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah.
Kooxda
koowaad;- Siyaasada guud ee dalka (Political)
Kooxda
labaad:- Arrimaha Bulshada (Civil Society)
Kooxda
Saddexaad:- Dib u soo celinta iyo hagaajinta Dhaqaalaha dalka (Economic
Recovery)
Kooxda
Afaraad:- Ammaanka iyo xasilinta dalka (Security and Stabilization)
Kooxahan
ayaa waxa ay ku kala shirareen saacadihii ugu dambeeyey hoolal waaweyn oo loo
diyaariyay
iyadoo doodo dhaadheer oo adadag ay dhex mareen, waxaana ugu
dambeyntii lagu gabal dhacsaday iyada oo ay weli si habsami leh u soconayaan doodahaasi
iyo fikir isu keenista qeybahaas aan kor ku soo xulnay.
Intii
uu socday shirka guud ayaa waxaa khudbado ka jeediyay goobta xubno uu ka mid
ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee dalka
Soomaaliya ayaa waxa uu ku booriyay qeybaha shirkan inay xooga saaraan natiijo
wax ku ool ah oo lagu hago dalka, isaga oo fikirkiisana ka dhiibtay Qabyo
qoraalka Dastuurka waxa uuna ku taliyay in la qaato Dastuurkii 1960-kii oo uu
sheegay inuu yahay Dastuur afti dadweyne heysta isla markaana ka wanaagsan
midka haatan la diyaariyay.
Qeybahan
loo kala saaray ergooyinka ayaa waxaa dusha kala socday guddiyo Xiriiriyeyaal
iyo Aqoonyahano ah (Experts), kuwaasoo isu duwi doona qaabka ugu haboon ee
farsamo ahaan la isugu keeni doono fikirada iyo talooyinka odayaasha dhaqanka,
Bulshada Rayidka ah iyo culimada, waxaana la filayaa in gabogabada shirka oo ku
aadan bishan June 2-deeda in la hor geeyo shirka Caalamiga ah ee madaxda
dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, matalayaasha beesha Caalamka iyo
dowladda martigelineysa shirka ee Turkigu ku yeelan doonaan isla magaaladan
Istanbul.
Sido
kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Istanbul
wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali kuwaasoo ka soo kicitimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya,
waxaana la filayaa in maalinta ku xigta uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi kale oo uu hogaaminayo kuwaasoo
isu diyaarinaya shirka June 3 ka furmaya Istanbul.
Dhinaca
kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka u dhoofay magaalada Ankara ee
caasimadda dalka Turkiga halkaasoo uu kula balansanaa guddoomiyaha Baarlamaanka
ee dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadli doona labada guddoomiye hagaajinta
xiriirka labada dal iyo horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina,
Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
ayay ku sheegtay inay ku faraxsantahay qabsoomida shirkan isla markaana ay ka
rajeynayaan in matalayaasha Soomaalidu ay muujiyaan mas’uuliyad iyo taxadar
dheeri ah si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyada oo la raacayo wadada
jeexan ee uu tilmaamayo Roudmapka kaasoo lagu dhameynayo marxaladda kala guurka
ah, iyo sidoo kale heshiisyadii Garowe1, Garowe2, Gaalkacyo Agreement, Shirka
odayaasha ee weli soconaya iyo Addis ababa Comminique’. Waxayna dhanka kale u mahadcelisay
dowladda Turkiga oo qabatay kulankan.
Garaad Salaad Xirsi
Istanbul, Ankara
Tarrror Free Somalia
No comments:
Post a Comment