Isniin, 22, Feb, 2010 (HOL) Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay macallin dugsi Qur'aan oo al sheegay inuu caruurtii uu wax barayay ku wareejiyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Saldhigga Degmada Wadajir oo saxaafadda loogu soo bandhigay Macallinkan oo lagu magacaabo Max'ed C/qaadir ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa waalidiintii dhalay wiilasha la wareejiyay, waxaana sidoo kale ku sugnaa halkaas wiil sheegay inuu soo baxsaday.
THE DISTRICT OF Wadajir Mayer ahmad hassan addow
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay inay ogaadeen in macallinkan uu caruurta si toos ah ugu wareejiyay kooxdan oo DFKMG ah kasoo horjeeda, ayna u hayaan cadeyn buuxda dhab ahaanshaha arrintan.
"Macalinkeena ayaan u raacnay Bakaaraha si aan ugala soo iibinno allaabo uu u baahan yahay sida uu noo sheegay, markaan suuqa tagnay ayaa nalagu qaaday gaari yar oo diyaar ahaa, waxaana nala geeyay goob ay ku sugan yihiin ciidamada Xarrakada" ayuu yiri wiilka yar oo aan magaciisa sheegin.
one of the kids escaped shabaab kids concentration camp.
Axmed Daaci ayaa sheegay in Macallinka eedeysanaha ah ay sharciga horgeyn doonaan, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid khatar ah, ayna weli maqan yihiin qaar ka mid ah caruurtii uu wareejiyay, iyadoo macallinka loo diiday inuu saxaafadda la hadlo.
Waalidiintii caruurtooda ay weli ka maqan yihiin oo loo ogolaaday inay saxaafadda la hadlaan ayaa waxay sheegeen inay aad uga walwalsan yihiin xaaladda caruurtooda, waxaana ka mida haa Hooyo Muumino Macalin Axmed oo uu ka maqan yahay wiilkeeda C/casiis Gaaboow Arriille iyo Aabbe Axmed Aweys Jeylaani oo uu ka maqan yahay wiil.
Ma jirto hadal ku aaddan arrintan oo ka soo baxay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo lagu eedeeyo Macallin dhiga dugsi Qur'aan inuu caruur uu waxbarayay ku wareejiyo Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin.
head of the madrasa in a Mogadishu prison
The mother of missing Child
head of the madrasa in a Mogadishu prison
The mother of missing Child
Father of missing Child
No comments:
Post a Comment