Ku: Maamulka Puntland iyo Musharaxiinta xilalka u tartamaya.
Ku : Waxgaradka iyo Salaadhiinta Puntland.
Ku: Beesha Caalamka
Og: Isimada sade ee Puntland (ugaska bari)(boqorka beesha wagardhac)
Ujeedo: Inagoo ah Salaadhiinta, waxgaradka ,Aqoonyahanada
iyo bulshaweynta ka soo jeedo Beesha SADE ee asal ahaan u degan Gobalada uu ka
koobanyahay Maamulka Puntland. Waxaan codsaneynaa hadaanahay Beesha Sade ee
Puntland in Maamulka Puntland nagala siiyo xaqeena aan ku leenahay.
Dhamaan Maamuladii soo maray Puntland waa aan ku dulmaneen hadii aanahay
beesha sade , waxaan tabaneynaa in xaquuqdeena lagu tuntay oo nagala soo qaado
dad aan deegaankaba waxba ku laheyn. Beesha sade waxay kamid tahay beelaha soo
jireenka ah ee degan Puntland, Beesha waxay kaalin mugweyn ku leedahay
waxqabadka deegaanada Puntland, Hadii ay ahaan laheyd waxbarashada, Macalimiinta
Jaamacadaha wax kabaro, kuwa dugsiyada, ganacsiga, Culumada , dhamaan tiirarka
Bulshada iyo diidamada qalabka side ee puntand qaybba hooda kala duwan.
Qiyaastii 200-kun oo qoys oo ka soo jeedo Beesha sade gaar ahaan beesha wagardhac ayaa deegaan ahaan u
degan Puntland isla markaasina ahaa dad boqolaal sano deganaa.
Hadaba Walaalaheena Beesha Harti ee Hormuudka u ah Maamulka Puntland waxaan
ku dhaliileynaa in Xaqeena nala duudsiiyo ,oo nagala soo qaado dad aan jirin ama
aan xaquuqba ku laheyn deegaanka, iyadoo beeshu dhiigeeda u hurtay dhifaac degaanda puntland.
Waxaan Marlabaad si hufan uga codsaneynaa walaala beesha Harti in ay ku
xadgudbin xaquuqda dadka walaaladooda ah ee deegaanka wax ka dega. Tusaale
Magaalada gaalkacyo xaafada ugu bulshada badan waxaa degan beesha Sade , hadana
ma jirto wax xildhibaan ama xaquuq ah oo beesha ku leedahay gobolka mudug, degmooyink galkacayo ,iyo goldogob.
Falanqeyn dheer kadib Beesha waxay soo saartay baaqa hoos ku xusan.
1: In Maamulka Puntland uu dib u eego xaquuqda beelaha walaaladooda ee la
degan deegaanka.
2: In beesha sade si buuxdo loo siiyo xaqooda laguna daro Baarlamaanka iyo
wasiirada Maamulka Puntland ee ay xaqa u leeyihiin;
3: In Isimada sade Gaar ahaan Beesha Wagardhac ee Puntland laga daayo midib takoorka isla markaasina
laga qeyb geliyo talada Isimada Puntland.
4: In Maamulka Puntland uu ilaaliyo cadaalada iyo wada noolaashaha umada ku
dhaqan Puntland.
5: In Maamulka uu noqdo mid ay iska wada dhex arkaan dadka ku dhaqan kana soo
jeedo Puntland ee uu noqonin mid hal beel maroorsato.
6: Beesha sade gaar ahaan beesha wagardhac ee reer Puntland marna ma aqbaleyso inay ka aamusnaato
xaqooda la duudsiiye.
7: Waxaan cambaareyneyna dhamaan maamuladii soo maray Puntland ee cadaalad
darada ku dhisnaa.
8: Waxaa kaloon Cambaareyneynaa qaabka Baarlamaanka Puntland ee dowlada soo
socota loo soo xulay ee Cadaalad darada ah.
9. in aan lagu qasbin sharuuda xaqdara ah ee ah in ay shacbka beesha sade ee puntland gaar ahaan beesha wagardhac beesha keenaan shacabka beesha sade ee degaanada gobalka galgaduud.
10. in doorashadan 2014 wixii ka nabeeya loo gudbo cod toos ah..oo laga gudbo habkan xaqdarda iyo sadbuursiga ku dhisan, loo ogolaado in shacbka puntand codkooda si xaq ku dhisan oo xor ah u dhiibtaan.
Waxaan rajeyneynaa in Maamulka Puntalnd uu tixgeliyo baaqani isla markaasina
uu wax ka qabto nidaamka cadaalad darada ku saleysan. waxaan mar sedaxaad
codsaneynaa in aan la dhayalsanin baaqani si deg deg ahna wax looga qabto.
Golahaha Salaadhiinta Sade ee deegaanada Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
GALKACAYO MUDUG PUNTAND
XAFIISKA SHACABKA BEESHA SADE EE PUNTALAND
Somaliya.
No comments:
Post a Comment