Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo kormeeray maanta halka uu shirka uga soconayo Odoyaasha Dhaqanka,Codsina u jeediyay.
Muqdisho, May, 05, 2012----
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali
Gaas, ayaa maanta booqday goobta uu shirka uga soconayo Odayaasha
dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaa oo looga fadhiyo iney soo xulaan gudigii
ansixin lahaa Dastuurka dalka iyo Barlamaanka uu yeelan doono
Soomaaliya.
Ra’iisul
Wasaare, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkaani uu
yahay kii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya la isugu yimaado mudo 20 sano
kadib.
“Shirkaani
waa kii aan kaga godbi laheyn mar xaladihii aan soo marney 20-kii sano
ee la soo dhaafay waa mid taariikh u ah Ummadda Soomaaliyeed”.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in September,
6-dii ay aheyd markii ugu horeysay ee Shir lagu qabto gudaha wadanka
Soomaaliya kaa oo ay ka soo qeyb galaan dhinacyada Soomaalida oo idil
basle ay jireen shirar badan oo gudaha dalka lagu qabtay laakiin aan wax
sidaa u badan ka soo bixin.
Ra’iisul
Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka sharaxaad ka siiyay machana
Roadmap-ka islmarkaana uu sheegay in ay tahay inaan ka tageeno colaad,
Kumeel Gaarnimo oo aan u guureyno dowladd rasmi ah iyo Cadaalad.
Sidoo kale, Wuxuu tilamaamay in Dib-u- heshiisiinda ay saldhigg
u yihiin Odayaasha Dhaqanka islamarkaana Dib-u-heshiisiinta iyo
dowladnimadu waxaa laga ma maarmaan u ah in waqti loo huro, waxaan
rabnaa Dastuur soo celiyo dowladnimadii iyo Qarannimadii Soomaaliyeed
lana badiyo la tashiyada si loo saxo waxa khaldan.
“Sida aad la socotaan Dastuurkii 1960-kii waa ansixiyay Ergo 110 qof aheyd”.
Wuxuu
sidoo kale xusay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay dowladdnimadu ku
xiran tahay sida ay Odoyaasha Dhaqanka u soo culaan Baarlamaanka dambe
oo ay Soomaaliya yeelan doonto islamarkaana ay 30% yihiin haweenka
Soomaaliyeed.
Ugu
dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka
codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada si waqtiga loo dhowro
islamarkaana uu sheegay Odayaasha Dhaqanka in Ergada aad soo xuli
doontaan waxa uu saameynayaa mustaqbalka dalka balse waxaa la idin ka
rajeynayaa inaad soo xushaan dad u qalma mustaqbalka dalka.
- DHAMAAD -

No comments:
Post a Comment