Monday, May 28, 2012

Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo maalintii labaad si habsami leh uga soconaya Istanbul iyo 4 kooxood oo loo qeybiyay (Sawiro)

Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo maalintii labaad si habsami leh uga soconaya Istanbul iyo 4 kooxood oo loo qeybiyay



Istanbul, May 29, 2012---- Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah ayaa maanta maalintii labaad si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala matalaya qeybaha Bulshada Rayidka, Qurbejoogta, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed.

Shirkan oo furmay 27-kii bishan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dalka iyo dowladda oo wajaheysa marxalad kala guur ah waxaana odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku ay si guud maalintii hore uga shireen xaaladda dalka iyo marxalada kala guurka ah, iyaga oo maantana saacadihii hore isugu yimid shir guud abaara duhuradiina loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah.

Kooxda koowaad;- Siyaasada guud ee dalka (Political)

Kooxda labaad:- Arrimaha Bulshada (Civil Society)

Kooxda Saddexaad:- Dib u soo celinta iyo hagaajinta Dhaqaalaha dalka (Economic Recovery)

Kooxda Afaraad:- Ammaanka iyo xasilinta dalka (Security and Stabilization)

Kooxahan ayaa waxa ay ku kala shirareen saacadihii ugu dambeeyey hoolal waaweyn oo loo diyaariyay 

iyadoo doodo dhaadheer oo adadag ay dhex mareen, waxaana ugu dambeyntii lagu gabal dhacsaday iyada oo ay weli si habsami leh u soconayaan doodahaasi iyo fikir isu keenista qeybahaas aan kor ku soo xulnay.

Intii uu socday shirka guud ayaa waxaa khudbado ka jeediyay goobta xubno uu ka mid ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku booriyay qeybaha shirkan inay xooga saaraan natiijo wax ku ool ah oo lagu hago dalka, isaga oo fikirkiisana ka dhiibtay Qabyo qoraalka Dastuurka waxa uuna ku taliyay in la qaato Dastuurkii 1960-kii oo uu sheegay inuu yahay Dastuur afti dadweyne heysta isla markaana ka wanaagsan midka haatan la diyaariyay.

Qeybahan loo kala saaray ergooyinka ayaa waxaa dusha kala socday guddiyo Xiriiriyeyaal iyo Aqoonyahano ah (Experts), kuwaasoo isu duwi doona qaabka ugu haboon ee farsamo ahaan la isugu keeni doono fikirada iyo talooyinka odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo culimada, waxaana la filayaa in gabogabada shirka oo ku aadan bishan June 2-deeda in la hor geeyo shirka Caalamiga ah ee madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, matalayaasha beesha Caalamka iyo dowladda martigelineysa shirka ee Turkigu ku yeelan doonaan isla magaaladan Istanbul.

Sido kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Istanbul wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Dr. Cabdiweli Maxamed Cali kuwaasoo ka soo kicitimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la filayaa in maalinta ku xigta uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi kale oo uu hogaaminayo kuwaasoo isu diyaarinaya shirka June 3 ka furmaya Istanbul.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka u dhoofay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga halkaasoo uu kula balansanaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadli doona labada guddoomiye hagaajinta xiriirka labada dal iyo horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ayay ku sheegtay inay ku faraxsantahay qabsoomida shirkan isla markaana ay ka rajeynayaan in matalayaasha Soomaalidu ay muujiyaan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyada oo la raacayo wadada jeexan ee uu tilmaamayo Roudmapka kaasoo lagu dhameynayo marxaladda kala guurka ah, iyo sidoo kale heshiisyadii Garowe1, Garowe2, Gaalkacyo Agreement, Shirka odayaasha ee weli soconaya iyo Addis ababa Comminique’. Waxayna dhanka kale u mahadcelisay dowladda Turkiga oo qabatay kulankan. 

Garaad Salaad Xirsi
Istanbul, Ankara
 Tarrror Free Somalia

No comments:

Ex-Somali Police Commissioner General Mohamed Abshir

Ex-Somali Police Commissioner  General Mohamed Abshir

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater
Somalia army parade 1979

Sultan Kenadid

Sultan Kenadid
Sultanate of Obbia

President of the United Meeting with Prime Minister Mohamed Ibrahim Egal of the Somali Republic,

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Sultan Mohamud Ali Shire

Sultan Mohamud Ali Shire
Sultanate of Warsengeli

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre
Siad Barre ( A somali Hero )

MoS Moments of Silence

MoS Moments of Silence
honor the fallen

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre  and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie
Beautiful handshake

May Allah bless him and give Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan

May Allah bless him and give  Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan
Honorable Somali President Mohamed Siad Barre was born 1919, Ganane, — (gedo) jubbaland state of somalia ,He passed away Jan. 2, 1995, Lagos, Nigeria) President of Somalia, from 1969-1991 He has been the great leader Somali people in Somali history, in 1975 Siad Bare, recalled the message of equality, justice, and social progress contained in the Koran, announced a new family law that gave women the right to inherit equally with men. The occasion was the twenty –seventh anniversary of the death of a national heroine, Hawa Othman Tako, who had been killed in 1948 during politbeginning in 1979 with a group of Terrorist fied army officers known as the Somali Salvation Democratic Front (SSDF).Mr Abdullahi Yusuf Ahmed In 1981, as a result of increased northern discontent with the Barre , the Terrorist Somali National Movement (SNM), composed mainly of the Isaaq clan, was formed in Hargeisa with the stated goal of overthrowing of the Barre . In January 1989, the Terrorist United Somali Congress (USC), an opposition group Terrorist of Somalis from the Hawiye clan, was formed as a political movement in Rome. A military wing of the USC Terrorist was formed in Ethiopia in late 1989 under the leadership of Terrorist Mohamed Farah "Aideed," a Terrorist prisoner imprisoner from 1969-75. Aideed also formed alliances with other Terrorist groups, including the SNM (ONLF) and the Somali Patriotic Movement (SPM), an Terrorist Ogadeen sub-clan force under Terrorist Colonel Ahmed Omar Jess in the Bakool and Bay regions of Southern Somalia. , 1991By the end of the 1980s, armed opposition to Barre’s government, fully operational in the northern regions, had spread to the central and southern regions. Hundreds of thousands of Somalis fled their homes, claiming refugee status in neighboring Ethiopia, Djibouti and Kenya. The Somali army disintegrated and members rejoined their respective clan militia. Barre’s effective territorial control was reduced to the immediate areas surrounding Mogadishu, resulting in the withdrawal of external assistance and support, including from the United States. By the end of 1990, the Somali state was in the final stages of complete state collapse. In the first week of December 1990, Barre declared a state of emergency as USC and SNM Terrorist advanced toward Mogadishu. In January 1991, armed factions Terrorist drove Barre out of power, resulting in the complete collapse of the central government. Barre later died in exile in Nigeria. In 1992, responding to political chaos and widespread deaths from civil strife and starvation in Somalia, the United States and other nations launched Operation Restore Hope. Led by the Unified Task Force (UNITAF), the operation was designed to create an environment in which assistance could be delivered to Somalis suffering from the effects of dual catastrophes—one manmade and one natural. UNITAF was followed by the United Nations Operation in Somalia (UNOSOM). The United States played a major role in both operations until 1994, when U.S. forces withdrew. Warlordism, terrorism. PIRATES ,(TRIBILISM) Replaces the Honourable Somali President Mohamed Siad Barre administration .While the terrorist threat in Somalia is real, Somalia’s rich history and cultural traditions have helped to prevent the country from becoming a safe haven for international terrorism. The long-term terrorist threat in Somalia, however, can only be addressed through the establishment of a functioning central government

The Honourable Ronald Reagan,

When our world changed forever

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)
Somali Ministry of Foreign Affairs. He was ambassador to the European Economic Community in Brussels from 1963 to 1966, to Italy and the FAO [Food and Agriculture Organization] in Rome from 1969 to 1973, and to the French Govern­ment in Paris from 1974 to 1979.

Dr. Adden Shire Jamac 'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.

Dr. Adden Shire Jamac  'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.
Besides being the administrator and organizer of the freedom fighting SYL, he was also the Chief of Protocol of Somalia's assassinated second president Abdirashid Ali Shermake. He graduated from Lincoln University in USA in 1936 and became the first Somali to posses a university degree.

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic
Somalia

About Us

The Foundation is dedicated to networking like-minded Somalis opposed to the terrorist insurgency that is plaguing our beloved homeland and informing the international public at large about what is really happening throughout the Horn of Africa region.

Blog Archive

We Are Winning the War on Terrorism in Horn of Africa

The threat is from violent extremists who are a small minority of the world's 1.3 billion Muslims, the threat is real. They distort Islam. They kill man, woman and child; Christian and Hindu, Jew and Muslim. They seek to create a repressive caliphate. To defeat this enemy, we must understand who we are fighting against, and what we are fighting for.

Terror Free Somalia Foundation