Friday, October 22, 2010

Cabdi Samataroow ceel bay kaaga dhacday: Soomaali waxa daawo u noqon kara ‘is jacayl’

“Nimaan waxa jooga garani, waxa soo socda ma garto,” maahmaah Soomaaliyeed.
Afeef: Marna shaki ma gelinayo Soomaalinnimada macallin Cabdi Samatar, laakiin waan ku dhaliilayaa weerarka qaawan ee uu ku qaaday raysalwasaare Farmaajo.Qoraal  ku soo baxay baxay bogga Somalitalk. ayaa macallin Cabdi Ismaaciil Samatar ugu gefey raysalwasaaraha dhowaan la magcaabay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo.’ Weerarkan Cabdi Ismaaciil ku qaaday raysal wasaaraha ayaa ah mid aan ku cusbayn tiyaatarka siyaasadda; wuxu Cabdi hadda ka hor sidaas si la mid ah u weeraray raysalwasaarihii dawaladdii Carta, Cali Khaliif Galaydh. Run ahaantii, macallinka ayaa ku eedeeyey mudane Farmaajo inuu   buug uu qorayka dib ka qalin-jebintii jaamacadda Buffalo, ee New York, inuu Maxamed Farmaajo ku aflagaadeeyey hoggaamiyayaal taariikh weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Hoggaamiyayaashaas oo kala ah AHWN mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Haddaba, haddaynu u dhabba galno eedaymaha macallinku u soo jeediyey raysalwasaaraha, waxa meesha ka cad waa ‘gorgorku haadda ka weyn…,’ is nacaybkii Soomali kala diley oo gaadhsiiyey heer bilowaadinimmada ka hooseeya ayaa meeshaa kaaga soo baxaya.

,Adiga oo halkan ka dhegeysan kara codka macallin Cabdi Samatar ku weerarayo  ayaan fiiro gaara ah ugu kuur geleyaa bal mucda iyo macnaha ka dambeeya eedaymahan. Iyadoo aad weliba mooddo in macallin Cabdi ka dab qaadanayo ninka la yiraahdo J. Peter Pham, oo ah nin ku caan ah kala qoqobidda iyo kala qaybinta Soomaaliya, qoraallo badan oo Soomaaliya ku jaa’ifaynayana qoray. Haddaba lafa gurka arrintan ayaan qodobbo ka soo qaadaynaa.
1. Ugu horrayn sidaad hadalkiisa bilowga ka garan doonto, wuxu dhulka ku jiidayaa eedayn horteed sumcadda raysalwasaaraha oo uu ku sheegay “midaan waxba soo kordhinayn.” Afaaf weerarkaasi wuxu ka markhaanti kacayaa inaan arrintu ku koobnayn raysalwasaaraha qoraalkiisa, laakiin ay tahay arrin ku lug leh ‘isir nacayb.’

2. Wuxu kaloo sheegay inaan haba yaraatee macne badani ku jirin buugga raysalwasaaruhu qoray: “xigmad weyn oo qoraalkaas ku jirto ma jirto…qabyaalad badan oo reero lagu eedaynayaa ku jirta. Taariikhdii Soomaalida ayuu wax yeelayaa,” Cabdi Samatar. “Wuxu masaxayaa taariikh xalaal ah, ninka waxaa qoray, oo qoray dhowaan, weeraray Cabdirashiid iyo Aadan Cabdulle, waxaba ma soo kordhin karo.” Arrintan ayuu macallinku uu doonayaa inuu maxruumintaas uu u isticmaalo eedayan ku aaddan raysalwasaare Farmaajo, isagoo ku andacoonaya ama macallinku inkirsan inay jireen isu dhowaanshaha hoggaamiyayaashaas sharafta leh iyo xukuumaddii Talyaanigu. Sida hoggaamiyayaasha kale ee adduunka, ama ha noolaadaan ama ha dhintaane, ayaa looga faalloon karaa wixii taariikhdu kaydisay. Taas hadduu macallinku dood ka qabo, ha ogaado in halkan uu ku noolyahay ay tahay America oo loo oggol yahay isaga xataa inuu wax ka sheegi karo aabbayaashii Maraykanka.

3. Cabdi wuxu kaloo ku andacooday in raysalwasaaruhu qabaa’illada qaar ammaanay, qaarna aflagaaddeeyey. Run ahaan kolkaan anigu akhriyey raysalwasaaraha buuggiisa, aad buu uga nadiifsanaa qoraallo badan oo macallin Cabdi Samatar qoray. Wuxu sheegay mudane Farmaajo waa taariikh dhab ah, waa haddii maskax fayoobi wax loo qiimaynayo.

4. Wuxu macallin Cabdi si fadeexadi ku jirto ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka soo hor jeestaan raysalwasaare Farmaajo. Waxa isweydiin leh waayo shacabka uu u baaqayaa? Aaway Soomaaliyi, inteebuu ku ogaa? Miyaanu ogayn silica ka dhergey dadkeennii? Horaa loo yiri bay ila tahay, ‘ninka waranka kugu dhufta, iyo kan kugu dhaqdhaqdhaqaajiyaa, keebaa daran?’ waa asaddaha iyo ka fiirsi la’aanta mudane Cabdi Samatar ku xambaartay isirnabacayb daah la huwiyey oo la wada ogyahay inay tahay tan qarankeennii baabi’isay.

Dad badan baa isweydiiya dhibaatada Soomaalida ee sii laba laxaadsanaysa belaayada dabada ka sii waddaa meeshay kaga timaaddo. Run ahaantii Soomaaliya hadda arrintu qabyaalad waa dhaaftay waxay maraysaa ‘isir nacayb’ dhan walba ka socda. Haddaba isir nacaybkani sidee waxyeelladiisu uga weyntahay qabyaaladda? Su’aashaas aniga ra’yigayga waa inaad la necbaato ummad ama dadyow gaara wax allaale iyo wixii dhaqdhaqaaq nololeed ah, hadday xataa noqoto ra’yi ka hadal. Waxan tusaale u soo qaadan karaa golayaasha siyaasadda marka Sooomaalidu isugu timaaddo sia ay isu xagxagtaan. Marka la rabo in Soomaliya masiirkeeda siyaasadeed laga hadlo, mid dhaqan, mid dhaqaale horboodayaashu waa ka ilaaliyaan waxan iyaga ku qabiil iyo ra’ayi ahayn. Ummadda kale inay ka dhex muuqdaan, xataa haddii aqy noqoto baahi aanay daboolo karain, waa ka soo horjeensadaan, Isku xooriyoo, ummad badan oo Soomaali ah ayaa waxa marin habaabiyey isir nacayb, waana dhan walba ee taa ogow, macnaha qola kasta waa leeyihiin.



Labaatan sano ayay maraysaa tan iyo intii waddankeenna dhibaatada u weyni ka aloosantay. Waxa intaa sii durkinayey dhibaatada maaha qabyaalad keliya, ee waa isir iyo diir nacayb bulshadeenna ku dhex beermay. Waana tan macallin Samatar iyo kuwa kale oo badan ku dhammaysan doonaan noloshooda, haddii aan ilaahay garansiin dariiq ka wanaagsan kaa ay ku taagan yihiin. Maxaa ina ka lumi lahaa haddaan isku jeclaanno Soomaalinnimo? Ilaahay baan ku dhaartee, maalintaanan qof Soomaaliya arag, xataa Internet-ka ayaan ka daawadaa, keliya inaan arko qof Soomali ah wejigiisa, farxad ayaa igu abuuranta markaan arko qof Soomali ah. Haddaba sida qoraalkayga cinwaankiisu tilmaamayo, waxa daawo inoo noqon kara isjacayl. Meesha uu doono ha ka yimaaddee, maxaa ina ka lumayo haddaynu Soomaalinnimada isku jeclaanno, isu garowno, isu tanaasullo, iska deyno isriixa iyo isxaqiraadda. Wadaad iyo waranle Soomaali dariiqa ayay ka lunsan tahay waana arrin u baahan in si taxaddar leh loo eego. Wadaaddada waxa halhays hadda u noqotay: “difaaca diinta alle…,” waxay taa ku beddeleen halhayskii ahaa “difaaca dhulka hooyo,” dal, diin iyo dad ma kala hadhaan sidaa wax ma u fahmayaan? Waa haddii ilaahay solonsiiyo.Gebabgebadii, macallin Cabdi iyo Soomaali meelkasta ha joogtee waxa wanaagsanaan lahayd in la is taageero, oo laga dabqaato ‘ilko wada jir bay wax ku gooyaan.” Sidani si maaha, shacabkeenna meel walba ku silcaya dan uma aha, haddii aan laga wadin doolshe ha cuneen.
W.Q: Maxamud Axmed  Email: maash68@gmail.com
Send your comments to  terrorfreesomalia@gmail.com
Mahamud Ahmad serve as political analysts Terror Free Somalia Foundation

 Email: terrorfreesomalia@gmail.com

U.S. strategic interest in Somalia: From Cold War era to War on Terror

by Mohamed, Mohamed A., M.A., STATE UNIVERSITY OF NEW YORK AT BUFFALO, 2009, 86 pages; 1464764

Abdirahman Warsame is the Executive Director of the Terror Free Somalia Foundation.a national grassroots organization that opposes terrorism and supports democracy in Africa. regular contributor American Thinker http://www.americanthinker.com/abdirahman_warsame/  . .Pajamas Media  and .other American conservative organization
Talo ku socota Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Maxamed Farmaajo), Dhismaha dawladda iyo dib-u-qaabaynta maammulka

No comments:

Ex-Somali Police Commissioner General Mohamed Abshir

Ex-Somali Police Commissioner  General Mohamed Abshir

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater
Somalia army parade 1979

Sultan Kenadid

Sultan Kenadid
Sultanate of Obbia

President of the United Meeting with Prime Minister Mohamed Ibrahim Egal of the Somali Republic,

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Sultan Mohamud Ali Shire

Sultan Mohamud Ali Shire
Sultanate of Warsengeli

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre
Siad Barre ( A somali Hero )

MoS Moments of Silence

MoS Moments of Silence
honor the fallen

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre  and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie
Beautiful handshake

May Allah bless him and give Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan

May Allah bless him and give  Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan
Honorable Somali President Mohamed Siad Barre was born 1919, Ganane, — (gedo) jubbaland state of somalia ,He passed away Jan. 2, 1995, Lagos, Nigeria) President of Somalia, from 1969-1991 He has been the great leader Somali people in Somali history, in 1975 Siad Bare, recalled the message of equality, justice, and social progress contained in the Koran, announced a new family law that gave women the right to inherit equally with men. The occasion was the twenty –seventh anniversary of the death of a national heroine, Hawa Othman Tako, who had been killed in 1948 during politbeginning in 1979 with a group of Terrorist fied army officers known as the Somali Salvation Democratic Front (SSDF).Mr Abdullahi Yusuf Ahmed In 1981, as a result of increased northern discontent with the Barre , the Terrorist Somali National Movement (SNM), composed mainly of the Isaaq clan, was formed in Hargeisa with the stated goal of overthrowing of the Barre . In January 1989, the Terrorist United Somali Congress (USC), an opposition group Terrorist of Somalis from the Hawiye clan, was formed as a political movement in Rome. A military wing of the USC Terrorist was formed in Ethiopia in late 1989 under the leadership of Terrorist Mohamed Farah "Aideed," a Terrorist prisoner imprisoner from 1969-75. Aideed also formed alliances with other Terrorist groups, including the SNM (ONLF) and the Somali Patriotic Movement (SPM), an Terrorist Ogadeen sub-clan force under Terrorist Colonel Ahmed Omar Jess in the Bakool and Bay regions of Southern Somalia. , 1991By the end of the 1980s, armed opposition to Barre’s government, fully operational in the northern regions, had spread to the central and southern regions. Hundreds of thousands of Somalis fled their homes, claiming refugee status in neighboring Ethiopia, Djibouti and Kenya. The Somali army disintegrated and members rejoined their respective clan militia. Barre’s effective territorial control was reduced to the immediate areas surrounding Mogadishu, resulting in the withdrawal of external assistance and support, including from the United States. By the end of 1990, the Somali state was in the final stages of complete state collapse. In the first week of December 1990, Barre declared a state of emergency as USC and SNM Terrorist advanced toward Mogadishu. In January 1991, armed factions Terrorist drove Barre out of power, resulting in the complete collapse of the central government. Barre later died in exile in Nigeria. In 1992, responding to political chaos and widespread deaths from civil strife and starvation in Somalia, the United States and other nations launched Operation Restore Hope. Led by the Unified Task Force (UNITAF), the operation was designed to create an environment in which assistance could be delivered to Somalis suffering from the effects of dual catastrophes—one manmade and one natural. UNITAF was followed by the United Nations Operation in Somalia (UNOSOM). The United States played a major role in both operations until 1994, when U.S. forces withdrew. Warlordism, terrorism. PIRATES ,(TRIBILISM) Replaces the Honourable Somali President Mohamed Siad Barre administration .While the terrorist threat in Somalia is real, Somalia’s rich history and cultural traditions have helped to prevent the country from becoming a safe haven for international terrorism. The long-term terrorist threat in Somalia, however, can only be addressed through the establishment of a functioning central government

The Honourable Ronald Reagan,

When our world changed forever

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)
Somali Ministry of Foreign Affairs. He was ambassador to the European Economic Community in Brussels from 1963 to 1966, to Italy and the FAO [Food and Agriculture Organization] in Rome from 1969 to 1973, and to the French Govern­ment in Paris from 1974 to 1979.

Dr. Adden Shire Jamac 'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.

Dr. Adden Shire Jamac  'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.
Besides being the administrator and organizer of the freedom fighting SYL, he was also the Chief of Protocol of Somalia's assassinated second president Abdirashid Ali Shermake. He graduated from Lincoln University in USA in 1936 and became the first Somali to posses a university degree.

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic
Somalia

About Us

The Foundation is dedicated to networking like-minded Somalis opposed to the terrorist insurgency that is plaguing our beloved homeland and informing the international public at large about what is really happening throughout the Horn of Africa region.

Blog Archive

We Are Winning the War on Terrorism in Horn of Africa

The threat is from violent extremists who are a small minority of the world's 1.3 billion Muslims, the threat is real. They distort Islam. They kill man, woman and child; Christian and Hindu, Jew and Muslim. They seek to create a repressive caliphate. To defeat this enemy, we must understand who we are fighting against, and what we are fighting for.

Terror Free Somalia Foundation