“..Aniga oo ku hadlaaya magaca isimada, cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Daarood waxaan hanbalyo u dirayaa Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), hawsha loo igmaday Raysalwasaaraha waa mid aad u culus oo la doonaayo in uu guto si wanaagsan isaga oo kaashanaaya dhamaan cuqaasha iyo waxgaradka, ma ahan hawl sahlan in dal burburay, dib loo istaajiyo.
Marka waxaan Raysalwasaaraha rabbi uga baryayaaa in uu la garabgalo shaqadiisa, isaguna u guto si daacadnimo iyo wadananimo ay ku dheehan tahay….”ayuu yiri Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse.
Ugu danbeyntii Boqorka ayaa ugu baaqey dhamaan beelaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Raysalwasaaraha cusub, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, sidoo kale waxa Boqorku sheegay in ay muhim tahay in aan keligiis laga sugin in dalka Soomaaliya la xasiliyo ee ay muhim tahay in maamulada iyo siyaasiyiinta Soomaalidu garab istaagaan.

No comments:
Post a Comment