
Dhinaca kale, waxa uu dadka waddanka dibeddiisa jooga ugu baaqan in ruux walbaa qeyb ka noqdo waxa ka qabashada arrinta Somali.
Raysalwasaaraha Cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dawladda in ay joojiyaan dagaalka isla markaana miiska wada hadalka soo fariistaan.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo la hadlaayay warbaahinta VOA-da qaybta Afsoomaaliga ayaa sheegay in Dawladiisa ay kooxaha mucaaradka ee ka dagaalamaaya gobolada Koonfureed u furtay albaabka wada hadalka isla markaana ka faa’ideystaan fursadaas.
Dhegayso Waraysi Warbaahinta VOA la yeelatay Raysalwasaare Maxamed CabdullaahiRaysalwasaaraha ayaa xusay in mudo badan dalka Soomaaliya ay ka jirtay dhibaato lana soo gaarey xilligii la joojin lahaa colaada oo lasoo celin lahaa nabada iyo kala danbeynti.
Podcast: Play in new window | Download
Mr.Farmaajo ayaa sheegay hadii ay kooxaha mucaaradka diidaan baaqaas ay Dawladda markaas xaq u leedahay in ay isdifaacdo siduu sheegay.
Waa markii u horeysay Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ugu baaqo kooxaha mucaaradka wada hadal nabadeed tan iyo markii la magacaabay,mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinacyada hadalkaan loo jeediyey.
No comments:
Post a Comment