Nairobi: Damaca Itoobiya Iyo hagardaamada Kenya Ayaa waxaa Ay Bidhimaaniyaan
Qorshe Cusub Oo Lidi Ku Ah Himilooyinka Shacabka Soomalaiyeed Ee Ku Aadan In Ay
gaaran Dowladnimo Iyo dal madaxbanaan ,Kuwaas Oo Muujinaya falaaro Halis Ah
hadii Aan Si feejigan Loga Fiirsan.
Isbadalada Dhacaya Oo dhanka Siyaasada Ah Ayaan Daah ka saarneen Shakhsi
Walba Oo Soomaaliyeed ,Balse Micnaha halka Loo Soo socdo Ayaa Ah wadan Leh
Kheyraad Ku filan Oo Dadkiisa Laga daboolay In Ay Arkaan ,Balse Indhaha wadamo
Ay kamid tahay Itoobiya Iyo Kenya Si Aad ah Ay Ugu Firfircoonyihiin In Ay Qaab
Dibilomaasiyadeed Ay Ugu faa’deystaan Khayraadka dabiiciga
Ah.
Xusuustaada Ayaa Kuu Ifinaysa Waxyaabihii dhacay Sanadihii La Soo
Dhaafay ,Qorshaha Waxaa Uu Ahaa Sidii Silsilada Oo Kale ,Mana Doonayaan In
Dowlada ka madax banaan Iyaga Ay Yeesheen soomalida.
hadii Aynu Ku Hormarno
,Itoobiya Arimaha Ay Ku fashilinayso dowlad kasta Oo Somaliya Loo Dhiso Ayaa Ah
mid Salka ku haysa laba Arimood
1-Dhulbalaarsiga Iyo Isfidinta
Awoodeed Ee Itoobiya ay Ku hayso Umada Soomaaliyeed,Iyo Somaalida Intooda waaya
Arag Ah Oo Isdifaacay .
2-In I Toobiya Hogaanka U hayso Dowladii Loo soo
Dhiso somaliya ,Markii Ay Iska dhexweysana Muraayada Soamaliya Ayaa waxaa Ay
Bilaawda In Ay kala disho hogaamiyasha soomalida.
Hadaba Maxay tahay
qorshaha Itoobiya.
Qaar badan Oo kamid Ah Siyaasiinta Somaaliyeed Ayaa waxaa
Ay Aaminsanyihiin In itoobiya Ay tahay cadowga Ugu weyn Ee Somaliya ,Iyana
Ogalaan Karin in Somaliya cagaheeda Ay Isku taagto ,waxaana Ay ku tilmaamaan In
Ay tahay Yuhuuda Afrika.
Itoobiya ayaa Inta La ogyahay Taarikhda Malahan
Deked ,Wax soo saar Ku filan ,Arimahan Oo Is Biirsaday Ayaa ka Dhigaya Itoobiya
In Ay Iska mala’aawasho In Somaliya Uu yahay dal madaxbanaan Oo Aan laga
sameesan karin waxii la doono.
waxaa Ay Iminka wada qorshe
Xeeladaysan Oo la doonayo In xilka Loga qaado Sheekh Shariif bari Ahaa cadowga
itoobiya balse Iminka lagu tilmaamo wadaad qonyar socod Ah ,Qorashahan Ayaa
waxaa Lagu kar karinaya magaalooyinka Nairoobi Iyo Doolow.
Faragilinta Qaawan
Aan geedka Loga Soo gaban Ee Itoobiya Ayaa waxa Horboodaya Sidii Xilka Loga
tuuri lahaa madaxweyne Sheekh Shariif ,Shaqiyaas Sheeganaya In Ay Yihiin
Muwaadinin Soomaaliyeed Kuwaas Oo kala ah,Cali Maxamed Geedi,Cor.Bare Hiiraale,
Aadan maxamed Nuur Aadan Sooran Soor, Shariif xasan, cabdiraxmaan
faroole.
Dhawaan Ayaa waxaa Magaalada Adis Ababa loga Yeeray Shariif xasan
,Iyo Cabdiraaxmaan faroole iyadoo laga Dhaadhicinayay In Ay Qaataan Qorshaha Q
ayaxan Ee itoobiya Ay Ku xalaalaysanayso Degaanada Soomalida Ah Oo ay Gumaysato
Iyo Kheyraadka Somaliya.
Kama Maqana wadamada Reer galbeegka ,Oo
Itoobiya Ay U Arkaan In Ay tahay wadadii Loo Mari lahaa In Somaliya Laga Dhigo
Mid Kala Qoquwan,Waxaana Socda Wajigii labaad Ee Lagu Doonayo In Itoobiya Iyo
Kenya Ay kala qeybsan lahaayen Somaliya Kaas Oo Iminka Muuqda.
Isku soo
duubee dowlada Itoobiya ayaa waxaa la hubaa in ay Soomaliya ku heysay 20kii sano
ee dowlad laaanta faragalin Joogta Ah ,waxaase shacabka Soomaaliyed aad U
Jaclaan lahaayeen In Itoobiya La Saaro Cunaqabaten Dhan walba Ah
,Iyadoo Laga Tusaala qaadanayo gardaradii Lagu galay Liibiya.
Kenya
kama sharyara Itoobiya.
Marka La Eego Kenya ,Waxaa durabadiiba Soo baxaya In Uu Jiro Hami Ku Aadan In
Homaamiyaal Ka Amar qaata Kenya Loo sameeyo markan Somaliya ,maadamada Itoobiya
Ay Ku Guuldarastay Arinkaas sanadihi La soo dhaafay ,Kulamada Qarsoodiga Ah Iyo
Kuwa Muuqdaba Waxaa Ay ka yihiim magaalada Neeroobi Kuwa joogta Ah Oo lagu
Gurfeeyo Siyaasada Somaliya .
Raali Ahaanshaha Kenya In Maamul
goboleedyo laga Dhiso magaalada Nairobi, Iyadoo Ay Jirto Dowlada KMG Ah Ayaa Ah
rabitaan aan qarsoneen Oo Kenya ay Ku doonayso In markan Awdoodeeda ay Ku
Tijaabiso Somaliya .
Waxaa Horkacaya Arintaasi wasiirka Diifaca kenya Yuusuf
xaaji Iyo saraakiil kale Oo Loo Xilsaaray In Ay Abaaul siyaasadeed Ay Ka dhex
bilaabeen Hogaamishaa Somalida Iyagoo Markiiba taageero U Fidiyay Maamul
Goboleed Dhawaan Loga Dhawaaqay Kenya Oo Lagu magacaabo AZAANI,kaas Oo Caasimada
KMG ah Loga Dhigayo Gaarisa Ilaa Iyo Lixbilood.
Maamulka Ay Kenya
dabada ka Riixisayo Ayaa waxaa madaxweyane ka Ah Bro:Gaandi Oo Ahaa wasiirkii
Hore Ee gaashan Dhiga ,waxaana Loo Igmaday maamulkan In Uu Degaanada Jubooyinka
Ka dhigo Meel lagu maamulo Siyaasada Kenya.
Waxaa Laga yaaba In Ay
Isku khilaafaan labada Dowladood Ee Ku taramaya Soamliya Kenya Iyo Itoobiya Dhaq
Dhaqaaqa Uu wado Bro: Gaandi oo Horay Wal wal uga Muujisay Siyaasada uu
ciyaarayo gaandi Oo Ah Nin taageero Ku Filan ka Haysta Kenya ,balse Shacabka la
Doonayo In lagu maamulo ay warmoog ka yihiin.
Kenya Ayaa Arintaan waxaa ay u
xilsaartay siyaasiyiin Ku jira Dowladeeda ,
Oo Asal Ahaan ka Soo jeeda
degaanada Soomalida Ee waqooyi galbeed kenya Oo kala Ah ,Yuusuf xaaji wasiiraka
Difaaca Kenya Iyo faraax macalin Ao Gudoomiye Ku xigeenka Barlamanka
kenya.
Damaca Ayaa Ah In Loo gogol xaaro Dowlada Isbahaysi Ah Oo laga wada
qeyb galiyo Inta Adeecsan danaha Reer Galbeedka,Itoobiya Iyo Kenya Oo Aan Ku
Dhisneen rabitaanka Shacabka Soomaaliyee.
Sida la filayo ,bilaha Soo
socda waxaa Suuragal Ah In Isbadal Aan Horay Loga baran Somaliya In Uu Ka Dhaco
,Marka Loo fiiriyo calalamada Badan Iyo Madaxweyniyasha La Aas aassayo.
Arigtida beesha Caalamka
dowrka Beesha caalamka Ayaa ah Mid Ku
salaysan In Ciyaarta Socota Ay Ka Qeyb galaan Daawashadeeda Iyo In Taqa Binziin
Ay Ku daaraan ,Wakiilka Qaramada Midoowe U qaabilsan Arimaha Somaliya Agustiina
Maiga Ayaa wada dadaal Dheeraad Ah Oo Lagu doonayo In Waji kale Ay U yeelaan
Arinta Soomaliya.
Dhabta Ayaa sidaas ka Fog,Waxaa La Doonayo Un Sidii Loo
Kordhisan lahaan Mashruuca Ay ka Leeyihiin Somaliya,Oo Wajiyo Kal dowan
Leh.
Waxaa Uu taageero U fidiyay Dhamaan Maamul Goboleedyada dalka Ka
Jira ,Si Meel Mar Ay U Noqoto Mashruuca Ay Ku hagardaaminayaan Arinta
Soomaaliya.
Waji gabax Ayaa La Soo darsay kadib markii dowlada KMG Iyo qaar
kamid Ah wadamada Reer galbeedka ay Ka Soo horjeesteen In Ay Ka Qeybgalaan
Shirka Uu iclaamiyay Augustina Mahaiga..
Filashado Ayaa Ah In la Sii wado
dhibka lagu hayo Umadda Soomaaliyeed,Oo La daal dhacaysa dagaalo
,Abaaro,Iyo,Dowlad La’aan.
xigasho : Ceelgoos.com
No comments:
Post a Comment