The Somali police force will now be led by Gen. Sharif Shekhuna Maye and the army will be headed by Gen. Abdikadir Sheikh Ali Dini.
update on Somali prime minister has appointed Somali -American From Ohio Major General abdulkadir Sheikh ali Dini as the Commander somali Army force . G/le sare Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed
Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 30,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyay Talliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Talliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Dr. Shariif Sheekhuna Maye.
Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa munaasabaddan waxaa ku weheliyey Raisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisul Wasaare ku- xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Jen. Axmed Geeddi Jimcaale (Cirfiid) ahna Talliyihii hore ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey Taliyayaasha Cusub una sheegey in dalka uu marxalad adag ku suganyahay loona baahanyahay in laga saaro marxaladan.Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay waxa ugu muhiimsan waqtigan Dalka Soomaaliya ay tahay xoojinta ciidamada Qalabka sida iyo horumarinta nabadgelyada.
No comments:
Post a Comment